2 minute read

Covid-19ka Weli Waa Jiraa Ee Iska Jira!!!

Weli waxaa maskaxdeena ka sii guuxaya dhibaatadii uu nagu reebay cudurka Covid19 ee labadii sano ee la soo dhaafay 2020-2021 oo ahayd labo sano oo dhibaato nafeed iyo mid dhaqaale soo gaarsiiyey dhammaan dunida oo dhan, gaar ahaan waddanka Mareykanka oo ay ku naf waayeen Milyan iyo bar, iyo dhaqaale dhan dhowr billion oo doolar,

Waxaa aad loo yareeyey isku socodkii iyo safarradii, sidoo kale waxaa la xirey dhammaan goobihii waxbarashada oo dhan, waxaa yaraatey salaantii iyo dhunkashadii dadku laabta is galin jireen, waxaa la amray in goobaha shaqada dukaamada, xafiisyada dadka kala fogaadaan lix feet ama laba mitir, waxaa khasab laga dhigay afjeerka(maaska) afka lagu xirto meel walba, waxaa la qaatey dhowr tallaal oo isdaba joog ah oo la leeyahay qofkii qaata waa bad baadayaa ilaah baa wax bad baadshee.

Advertisement

Haddaba walaalayaal Cudurkii Covid-19 waa yaraadey laakiin weli lama dabar goyne weli waxaa u dhinta 400-500 oo qof usbuuc walba, welina qaboobahan inta lagu jiro waxaa laga yaabaa in uu ka sii bato oo faafo. Haddaba waxaan bulshadeena ku waani- nayaa in aysan is-dhigan oo digtoonaadaan iyagoo taxaddar gaar ah muujinaya meelaha la isugu yimaado, sida xafladaha kala duwan, goobaha cibaadada, iyo shirarka guud oo aad qaadataan maaska ama af-xirka.

Waxaa kale oo aad u muhiim ah in in aad mar walba faraha lagu dhaqo biyo iyo saabuun ama dareeraha dila jeermiska oo meel walba laga helo. Fadlan ha taaban afkaaga indhahaaga iyo wejigaaga inta aad gacmahaaga ka dhaqeyso si aad uga badbaado waxyeelo cudurka ku soo gaartw adiga iyo qoyskaaga.

Walaalayaal ha dhayalsanina cudurkan Covid-19ka weli waa jiraaye iska jir oo ha ku kadsoomin. Hadii aad iska shakido oo aad isku aragto calaamadahiisa fadlan ha tegin goobaha la isugu yimaado oo ku ekow gurigaaga adigoo is ticmaalaya maaska, fadlan aad goobaha caafimaadka oo iska hubi in aad qabto iyo inkale. Hadda marka laga qaado Cevid-19 test ama tijaabo ah waxaa laguugu sheegayaa shan iyo toban daqiiqo in aad cudurka qabto iyo inkale. Haddii aad talo kabixin rabtaan nagala soo xiriiir Urgent Care cleveland iyo Morse ku yaal. ■

With more than 7 years of professional experience, Universal Detailing specializes in providing complete detailing services for a wide range of vehicles from luxury cars to family-sized SUVs. Whether your vehicle is your most prized possession or simply reliable transportation serviced for your daily commute, Universal Detailing is sure to take great care of your investment. Our services include window tinting, car washing, hand waxing, steaming, and specialty hand buffing. No one comes close to our white-glove service!

We pride ourselves on our quick and efficient mobile detailing and car delivery services. Ask about local pick up and delivery, additional fees may apply.

We’ll also bring you back to your desired location.

We are widely trusted within the community as we continue to offer best-of-class service and care.

4085 Westerville Rd, Columbus, OH 43224 www.universaldetailing.net

414-6414