2 minute read

Sida Quraanka Loogu Daweeyo Cudurrada

Maskaxda

ama Dhimirka

Advertisement

Imaam Sheikh Bashiir Mahamoud oo ka mid ah Culimada magaalada Columbus

Walaalayaal quraanka alle ayaa lagu sheegay in quraanka uu yahay dawo iyo naxariis eebe oo lagu daweyn karo cudur walba. Arrintaan waxaa inooga warramaya allaha xafidee Sheikh Bashiir Mahamoud oo ah Imaamka Masjidka Abuu Hureyra ee woqooyiga magaaladan Columbus.

Sheikh Bashiir mar uu ka hadleyey quraanka iyo daweynta cudurrada dhammaan wuxuu yiri “ Diinteenteena islaaamka ah waa dawo iyo raxmad mu’miniinta Ilaah baana noogu sheegay quraankiisa, sidaa awgeed waxaa habboon in quraan loo adeegsado laguna daweeyo dhamman cudurrada ku dhaca biniaadaka oo dhan. Horey waxaa loo arkey in cudurro badan oo aad khatar u ah sida kansarka oo la yiri qofka bukaanka ah bilo yar ayaad noolaaneysaa, kadiba ka bogsadey cudurkii marka kalaamka ilaahey lagu daweeyey.” Ma lihi ha laga fogaado daaweynta dhakhtarrada iyo cusbitaalada, haddana ha illaawin in ilaah kugu daweynayo wax quraankiisa waa haddii aad dhab u rumeysantahay. Cudurrada ku dhaca maskaxda iyo dhimirka waxaa loo kala qaadaa mid waali ah oo dadka iyo bulshada dhibaato ku ah oo wax burburinaya, noocaan wuxuu u baahan yahay meel lagu dawooyin dejiya maskaxdiisa ama lagu xaddidio dhaqdhaqaaqiisa waxyeelada wata. Nooca labaad waa nooc iska aamusan oo aan waxyeelo lahay iskana fadhiya oo aan wax qabsan karin lafahiisa iyo mida qoyskiisa waxyeelana aan lahayn. Noocaan waxaa lagu daweyn karaa cilaaj ama quraan akhri muddo xaddidan soconaya iyadoo lagu dhafayo daaweyntii dhakhaatiirta.

Nooca seddexaad waa mid uu qofka bukaanka uu arkayo ama xusuuusanayo waxyaabo ka qosliya ama ka oohiya goor walba oo uu keligiis ku ah. Mararka qaarkood waxaa la soo gudboonaada cabsi joogto ah oo uu ka qabo qoyskiisa, saaxibadiis ama dowladda oo uu isu arko in si gaar ah loo ugaarsanayo. Haddaba walaalayaal waxaan aragnaa goor walba oo naloogu keenaa masaajidada ama guryahooda ku booqannaa dhalinyaro badan oo cunay ama iska badiyey noocyada maandooriyaasha oo muddo dheer isticmaalayey qaarkoodna isu beddelay cudurrada maskaxda, walaalayaal haddii aad ka fogaato diinta alle iyo adkaartiisa waxaa lama huraan ah in nolosha dhibaatooyinkeeda oo uu qofka xamili waayo iskuna maaweeliyo mukhaadaraad oo uu arko xal is- illowsiin ah muddo kooban ah, halkuu duceysan lahaa oo adkaarta badsan lahaa. Waxaad aragtaan dhalin yaro badan oo shaqeysan jirey markii hore, haatana dhooban meelaha moolshada hortooda ama qaar ayaga is dilaya xabbado isku cayrsanaya. Haddaba walaalayaal si aan u badbaadino dadkeena xanuunsan ama mukhaadaraadka dilooday in aan badbaadinno oo aan ku daweyno quraanka alle iyo in sidoo kale lala xiriiro hay’adaha caafimaadka sida dhakhaatiirta iyo meelaha gaarka ee lagu daweeyo bulshada. Fadlan nagala soo xiriir Masjid Abu ureyra ama New American Resource Center si Lagaaga caawiyo arrimaha daaweynta quraanka ama maadiga ah. ■

Wacyi Galinta

Ardada Dugsiyada

Dhexe ee Columbus

New American Resource Center waxay ku dadaaleysaa in ay gaarsiiso farriimaha ay u sidon bulshada dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ardada dugsiyada dhexe ee Mifflin middle school oo aaan kula kulanayiskuulka dhexdiisa , waxaan kala hadalney dhammaan waxa keeni kara cudurrada maskaxda oo uu ugu horreeyo Bullinka ama cayda ama bahdilaada ardeyga kale, taasoo u keeni karta isku buuq iyo in uu ardaygii uu noqdo qof isdila ama waxyeelo u geysta ardada kale. Haddii aad aragtaan ardey caayaya ama bahdilaya ardey kale fadlan la xiriir maamulka una sheeg waalidkaa sida ugu dhakhso badan.

Ogow cayda iyo bahdilaada qofna uma fiicana ayaan kula taliney ardada.

Waa muhiim in ardaygu uu si nabad ah ku dhigto iskuulka asagoo aan la caayin ama baqayn, waana mid u wanaagsan ardey walba oo ku jira waxbarasho. Fadlan haku sameyn ardey kale bulliing ama caay, haddii aadan jecleyn in lagugu sameeyo. Xaq dhowr ardeyga kele waligaa. Waxaad naftaada la jeceshahay la jeclow.

Cudrrada maskaxa ee ku dhaca ardayda waxaa ugu badan middan oo ah bulling. ■