2 minute read

Fiyoobida maskaxda waa muhiim

Maxaa Kula

GudboonHaddiiAadQ abtoCudurra daMaskaxda

Advertisement

Ama dhimirka

Walaalhaddiiadigaiyoqoyskaaga ama qaraabadaada mid ka mid ah loogashakiyo in uuqabocudurradamaskaxdawaxaa kula gudboon in aadansahlanoodhab u qaadoto in cudurkaanintauuyaryahay ama bilowyahaysisahlan loo daaweyn karo. Markahorela xiriirdhakhaatiirtacudurradamaskaxdaoo ballan ka dhigo, haddiiaadangaraneyndhakhaatiirtacudurkaan nala sooxiriiirsiaankaagacaawinooo ballan kuugusameynayosi loo daaweyoruuxaaxanuunsan.

Walaalayaalinteena badan waxaan sugnaa in qofkufaraha ka baxayooouubillaabo ama wax burburinnaftiisa, qoyskiisaiyobulshadiisaba.

Haddabaintaantaladafaraha ka bixin walaalcaawioo la gaargaaar deg deg ah siaadnaftiisaiyoqoyskaaba u bad baadiso.

Haddiiaadsidoo kale qoyskaaga ama qaraabadaada mid ka mid ah isticmaa- lonoocyadadaroogooyinka kala duwanfadlan ka gaarinteysanfaraha ka bixin oouuisubaddalincudurrada kala duwaneemaskaxda, taasoobaabinkartanoloshiisaiyomiddaqoyskiisaba.

Walaalayaaldhibaatadancudurradamaskaxdaiyomaandooriyaasha kala duwan, taasoohaysataqoysas badan oosoomaali- yeedoo la daalaadhacayasidii ay u maareynlahaayeennoloshoodaiyosidii ay u daawanlahayn, qaarkoodnaaangaranayn jihadi ay la aadilahaayeen Haddaba waxaan nahayhay’adSoomaaali ah oo la yiraahdo New American Recourse Center oo ka howl- galamagaaladan Columbus fadlan nala sooxiriirXafiiskeena 614-8455170 ama nooguimowwixiitaloiyocaawin deg deg ah 647 Park meadows road suite B Westerville Ohio, 43805.

Waxaa kale qofka ku dhaca Jahwareer joogta ah meeshii woqooyi uu u maleynayo koofur, barina galbeed uu arko iskuna khaldo magacyada iyo midabada(Schizophrenia) waana kan uga xu nee cudurrrada dhimirka.

Waxaa kale jira Xanuun xag jirnimo ah (Bipolar) taas qofku aad u fakiro ama xanaaqo rumeeyana fikrado khalad ah oo iskiis la yimaado, sida isla weyni u baahnaanshada hurdada iyo hadal badan feker iyo go’aan qaadasho deg deg ah oo aad xun halisna galin kara dadka agdhow.

Sahan gaar ah oo ay sameysay hay’adda caafimaadka mareykanka ayaa sheegtay in in boqolkiiba labaatan qaangaarka dadka mareykanka , ama shanti qofba hal qabo la il daran yihiin xanuunada dhimirka oo u baahan daaweyn, waxayna keeni doontaa in noloshooda ay maareyn waayaan mustaqbalka. Waxaa wanaagsan marka hore in aad fahamo cudurka ku haya, dabadeedna aad sidii aad isaga daweyn lahayd raadsato. Dhaqankeena wuxuu liidaa cudurrada ku dhaca Maskaxda oo ay u bixiyaan magacyo foolxun oo ay ku caayaan qofka qaba.

Wxaa ka mid ah jinnoole, jinniyaa ka dhex hadlaya, dabeecad laawe, xanaaq badane am waa Jirac aan u adkeysan Karin hale eray. Xanuunka dhimirka waa mid ugu daran ee ku dhaca nafta ama ruuxa biniaadanka wuxuuna baabi’iyaa nolosha shakhsiga iyo midda qoyska oo dhan haddaan laga daweyn. Cudurrada dhimirka ama maskaxa wuxuu ku yimaada mid hidda raac oo la kala dhaxlo iyo mid ay marka ay carqalaodoobaan kiimikada maskaxda oo u horseeda in uu qofku si caadi ah u shaqeyneyn ama u hadleyn.

Waxaa kale oo keena balwadaha (Addiction) uu isticmaalo qofka oo Kimiko ah illaa uu gaaro heer uu ka maarmi waayo oo si joogto ah am xad dhaaf ah u qaato. Waxaa ka dhasha cudurradan maskaxeed oo ah welwel joogto ah (anxiety disorder). Waa mid qofku si aad ah u cabsanayo si tiiraanyo leh, sida adigoo wax naftaada khatar gelin kara k uu kuu dhow yahayoo wadnahaagu aad u ga- raacayo. Sidoo kale Cabsi joogto ah aadan garayn qofku waxa uu ka baqayo mararka qaarkoodna albaabada iyo dariishadaha uu xirayo.

Waxaa kale uu keenaa Xanuun argagax leh oo qofku soo boodayo asagoo hurda ma fadhiya (panic disorder), taasoo la garaneyn waxa sababaya baqdinta heerkaa gaarsiisan. Waxaa kale oo ku dhaca hurdo la’aan oo qofku soo jeedo habeenkii oo dhan ama inyar ka seexdo, waxaa kaloo ku dhaca Xis-lumin oo ah xusuust oo ku yaraata (Dementia) illaa heer uu aqoonsan waayo qoyskiisa iyo saaxabadiisa. Cuntada uu ka fogaado ama six ad dhaaf ah u cuno (eating disorder)

Waxaa kale oo ku dhacaca isbedel dhanka shucuurta(mood disorder) kaas oo qofku marna si kadis u xanaaqayo amase u farxayo sabab la’aan.

Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in si wanaagsan loo garto calaamadaha cudrrada dhimirka, ama maskaxda qofka qaba loona geeyo meelaha daweeya cudurkan lana xiriirtaan dhakhaatiirta ku shaqada leh. ■