The Somali Link Newspaper October 2019

Page 1

Russell Flickinger

ENTERTAINMENT

Somali Link Interviews K’Naan Pg.5

Pg.12

Pg.8

VOL. XII - ISSUE 11

Ogaysiis Ku Socota Darawaliinta Laga

LAW OFFICE

OCTOBER 2019

Qareen Howl-kar Ah!

Mahdi Taakilo Somali Link

Laga bilaabo bishii la soo dhaafey ee Juulaay 15keeda sannadkan 2019, waxay Ohio BMV oggolaatay in dadka laga xajuubiyey in ay Ohio gaari ku wadaan danbi ay galeen darteed ay aqbali doonaan in canshuurta lagu leeyahay ku bixin karaan in yar yar halkii ay ahayd in ay canshuurta lagu leeyahay hal mar bixiyaan. Waxay tusaale u soo qaateen in ay bixin karaan bishiiba $50 doolar haddey ka soo baxaan waxyaalaha kale ee loo haysto. Taas macnaheedu waxaa weeye in haddii tusaale ahaan lagu leeyahay 3000 oo doolar oo canshuur ah ay bishiiba bixin karaan konton doolar, halkii ay ka bixin lahaayeen 3000 oo doolar hal mar. Si ay barnaamijkan qayb uga noqdaan waxaa shardi looga in ay bixiyaan $150 doolar marka ugu horaysa si leesinkooda loogu ogolaado, looguna cusboonaysiiyo. Waa in ay sidoo kale la yimaadaan caddayn kaarka inshuransiga, taasoo macnaheedu yahay in ay tusaan xaafiiskan in gaarigoodu inshuransi leeyahay. Intaas ka gadaal ayaa leesinkii dib loogu soo celin doonaa, mana laga qaadayo illaa iyo inta ay bixinayaan bil walba lacagtaas $50. ■

HantiDhowrka Guud Franklin County Mahdi Taakilo Somali Link

Hanti dhowrka Degmada Franklin (Franklin County Auditor) waa laanta ugu muhiimsan dhammaan laamaha kale ee ay ka kooban tahay Degmada Franklin. Waxaa madax u ah Michael Stinziano oo la doortay sannadkii hore dhammaadkiisa. Mr. Stinziano oo ka soo jeeda xisbiga Dimoqaraadiga, horeyna u ahaan jirey guddiga magaalada Columbus (City council). Jagadaan hanti dhowrka waa markii ugu horreysay oo qof dimoqraadi ah loo doorto muddo 80 (siddeetan) sano ah. See FRANKLIN on Pg4

Inna Simakovsky, Qareenka Soomaalida ee Ohio

Anagoo ku hanweyn waxaan idinla socodsiineynaa in qareenkeenna howlkarka ah ee u dooda xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus iyo agagaarkeeda Ms. Inna Simakovsky uu ku sharfey joornaalka Columbus Dispatch Abaal marin loogu magac darey “Geesiyadda Maalin Walba” (Everyday Hero). Inna waxay u adeegeysey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Columbus tan iyo 2004 tii. Jaalliyadda Soomaliyeed waxay ka caawisey illaa haddana aysan ka daalin sidii ay u qaadan lahaayeen dhalashada Mareykanka (U.S Citizenship), Mideynta ama isu keenidda qoysaska

kala maqnaa muddo dheer (Family reunification) iyo ka caawinta kiisaska dacwada iyo u dagaalanka kuwa la doonayo in waddanka laga masaafuriyo (deportation). Inna waa qareen ku xeel dheer sharciyada qaxootiga, waxayna shaqaynaysey illaa iyo sannadkii 1998 dii , waxaan ku han weynahay oo aan oran karnaa in ay tahay saaxiib iyo walaal gaar ah ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio. Inna waxay ka furatey xaafiis Moolka Banaadir bartamihii sannadkii 2007-dii taasoo u suuro gelisay in si aad u xeel See Qareen on Pg2

13-ka Jid ee Ugu Shilka Badan Columbus Ayaa Ku Yaalla Deegaanada Soomaalidu Degto Warbixin cusub oo ay soo saartey hay’ad qaabilsan nabadgalyada waddooyinka Degmada Franklin (Franklin County) ayaa sheegtay in 13-ka waddo (jid) ee ugu shilka badnaa Degmada Franklin sannadihii 2018-2019 ay ku yaallaan meelaha ay Soomaalidu sida xoogga ah u deggan tahay. Qariirada halkan ku lifaaqsan waxay ku tusinaysaa magaca waddooyinka iyo inta shil ee ka dhacdey halkaas saddexdii sano ee la soo dhaafey. Inkastoo shilalka waddooyinkan ka

dhacaa ay sii yaraanayaan sanadan danbe haddana waxay noogu jiraan waddooyinka ugu shilalka badan magaalada Columbus ayuu yiri Robert Lawler oo ah Agaasimaha u qaabilsan nabadgalyadda waddooyinka hay’adda MORPC. Robert wuxuu intaas ku daray in uu dadwaynaha waddooyinkan ku nool ama marayaa ay suunka xirtaan marka ay gaariyada wataan, joojiyaana ku hadlidda taleefoonka, isna ilaaliyaan mar walba. ■

The Somali Link Newspaper Stay connected to your roots For more information Email: SomalilinkNewspaper@gmail.com 614.805.8630

Faceboogu Wuxuu Warka Siiyaa 1-ka Mid Ah 3-dii Qof ee Maraykan ah See FACEBOOGU on Pg


2 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

SOMALI LINK

READER INFORMATION INDEX Top Stories…... Local and Government…. International…. Local & Government….. Sports & Entertainment Language & Literature Family & Education Community News Editorial……...

HOW TO REACH US Phone…………..614.805.8630 Fax………….….614.433.0694 Email…………………………. Somalilinknewspaper @gmail.com 4889 Sinclair Rd. Suite 207 Columbus, Ohio 43229

INTERNET Visit us online at: www.somalink.com

ADVERTISING Kay Wilson….614.805.8630 DEPARTMENTS Reporters  Abdirahman Duale  Abdirahman Yusuf (Eelaay)  Doug Rutledge  Said Hade  Wilson Dizard  Mike Lorz  Corie Wilson Photographers  Terra Techler  Matt Lorz Designer DPI Graphic Design Derek Payne dpigraphicdesign.com Consultant Kay Wilson LETTERS TO THE EDITOR The Somali Link welcomes the letters to the editor from the readers. Typed letters 300 words or less are preferred. Each letter might be edited and should include a name, an address and a daytime phone number. Send your letters by mail to: Letters to the Editor, The Somali Link 4889 Sinclair Rd. Suite 207 Columbus, Ohio 43229 By E-mail: Somalilinknews paper@gmail.com By fax: 1-614-433-0694 © Copyright 2015 The Somali Link Newspaper

Are you a business owner in the Columbus, Ohio area? Get results by advertising in The Somali Link Newspaper! Providing Relevant Information to the Somali Community!

Telephone: (614) 805-8630 Email: Somalilink Newspaper@gmail.com

Qareen

Continued from Pg1 dheer u fahamto dhibaatooyinka sharciyeed iyo kuwa qaxootinimo ee haysta bulshadeenna. Inna waxay caawisay boqollaal Soomaliyeed oo ka quustey in ay dib u helaan xuquuqdooda ka maqneyd, ha ahaato mid sharci dambiyeed, qaxootinimo ama dib isugu keenidda qoysaskii

muddo dheer kala maqnaa oo isu bohol-yoobay. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo dhinaca fal dambiyeedyo, ama qaxootinimo iyo dhamman wixii la xiriira sharciyada haddii ay tahay talo bixin amase matalaad ay kugu matasho xagga sharciga waxaad kala soo xiriirtaa oo ka wici kartaa

teleefanka Inna 614 695 4605 ama ku booqo xafiiskeeda oo ku yaal cinwaankan 460 E Main Street Columbus, Ohio 43215. Waxaan mar kale leenahay HAMBALYO, HAMBALYO ee howlaha wanaagsan ee aad u hayso bulshadeenna halkaa ka sii wad. ■

Ma dooneysaa dahab qurxoon oo tayo leh, adigoo aan Dubey u duulin. Ka doono noocii ugu dambeeyey Dahablaha Global Mall. Halkaas waxaa kugu soo dhaweynaya Xaaji Xuseen oo khibrad u leh dahabka iyo noocyadiisa. ■


SomaliLinkNewspaper@gmail.com ■ October 2019 ■ The Somali Link ■ 3

Local & Government Cabsi Iyo Welwel Muritaaniyaanka Columbus Qore: Cabdiraxmaan Duale Waxaa magaalada Columbus daanteeda bari ee Refugee Road ku nool illaa 3000 (seddex Kun) oo soo galooti ama qaxooti Muritaaniyaan ah, waxaa baryahan la soo daristey cabsi iyo wel-wel ay ku ugaarsanayaan hay’adda xoojinta socdaalka iyo kastammada ee loo yaqaan ICE (Immigration and Custom Enforcement). Bulshadaan Muritaniyanka ah oo uga soo cararay dhulkoodii dil, midab takoor iyo is addoonsi ayaa waddanka ku soo galay iyagoo magan-gelyo weydiisanaya waddankan Mareykanka. Inkastoo kuwo badan oo ayaga ka mid ah ku hungoobeen magan-gelyadii ay raadinayeen.Waxaa la sheegay in intooda badan loo diido in ay dalkan soo galaan.Haddii ay soo galaana waxay la kulmaan sharci darro iyo in sharci darro lagu xiro. Waxaa ku xusid mudan in markii uu madaxtinimada la wareegay Madaxweyne Donald Trump laga raafay waddanka illaa iyo 150 (boqol iyo konton) qof

Mrs Monko iyo Ninkeedu Waxay Diyaar u Yihiin In La Masaafuriyo. oo loogu dhacay goobahooda shaqo iyo guryahooda aroor hore iyo bartamaha habeenkii, taasna waxay wel wel iyo cabsi gaar ah ku abuurtey qoysaskoodii iyo meheradihii ay ku lahaayeen agagaarka Refugee Road, sidaas waxaa yiri mid ka mid ah

madaxda bulshada muritaaniyanka ah ee Columbus oo ka gaabsadey in uu halkan magaciisa ku sheego. .

Fear And Anxiety at

Refugee Road There are roughly 3,000 immigrants from Maurita in Columbus, Ohio They came to American fleeing persecution slavery in the West African Country. For years,

ICE allowed even those with failed asylum claims to remain in the U.S. “Since Donald Trump has become president, more then 150 people have been detained and deported” Says a local Mauritanian community leader. ■

And the Sun Still Rises

Iman Jama, Somali Link Reporter The word refugee still lingers in the mouths of many people when it comes to those from east African country of Somalia even when referencing businessmen and women. The city of Columbus is growing, and part of its growth relates back to immigrants from Somalia. The “r’ word for refugee is not the only thing Somalis had to overcome living

in America there is that other insidious word called “racism.” Many people of African descent have dealt with the ugly head of state created on the basis of deep-rooted hate, which new immigrants like the Somalis are forced to understand in the worst way. “When you are a person of color, it is best you go into business for yourself does not rely solely on being an employee” said Ali Ali, a barber shop owner in Banadir Mall.

Bandir Mall located on Cleveland avenue houses 80 small businesses ranging from entertainment to tradition to emigrational services and even a multiple tailoring business that have a person looking in the way of their choosing. Bandir is not the only Somali Mall in central Ohio however this mall alone produces hundreds of dollars in taxes each year. According to a survey of 50 people from varies

HADDII LAGUU DIIDO GURYAHA DOWLADDA DEMBIYO HORE AWGEED Qore: Cabiraxman Duale Markaad geysato arji codsasho ah in lagu siiyo guryaha sectionka 8ka, waxaa lagu weydiinayaa in lagu xiray iyo in qof ka mid ah qoyskaaga lagu helay dambiyo hore iyo kuwo goor dhow ah. Haddii ay jawaabtu “Haa” tahay milkiilaha guryaha aad ka rabto wuu diidi karaa arjigaaga ama codsigaaga, laakiin weli waxaad u yeelan kartaa xaq in lagu siiyo guri ama hoy, sidaas waxaa yiri Maria Smith oo ku xeel dheer arimaha guryaha .Haddii arriintaa lagugu diiday doonaysid in

communities living in Columbus conducted by Somali Link newspaper, 98% of survey takers, where they were asked what they think of Somalis. The first word that came to through their minds was the word “refugees.” “Being called a refugee is nothing--- racism really hurts ones livelihood” said, Ahmed Barre, member of the Somali Community. Many if not all Somalis came to the united states and many parts of the

word while fleeing terror hence the reason for seeking refuge outside of their own land making them refugees however racism is a new concept, which many cannot grasp a good understanding of what it is. Racism is deviously impactful when practiced by individuals in ownership of corporations or large businesses with the capacity to hire so they are in a position of power to deny group of individuals the right to survive by de-

Capital Park Apartments

Heritage Apartments

aad ka hortagto waa inaad racfaan ka qaadataa (appeal) durbadiiba. Inta maalmood aad racfaanka ka qaadan korto waxay ku caddahay warqadda laguugu diiday guriga oo caddeynaysa in ta maalmood oo aad ku qaadan kartid racfaanka, badanaa

waa soddon maalmood illaa laba bilood inta ugu badan. Waxaad qortaa warqad (arji) yar oo aad rabto inaad ku codsato dhegaysi dacwaddaada laguugu diiday, ka dibna gee warqaddaada xafiiska guryaha, kana codso in ay saarto

shabbad taariikheysan iyo copy warqaddaada aad qortay si aad u haysatid dukumenti taariikheysan ee dacwad dhageysigeeda (hearing). Markaad laba usbuuc joogtid, haddii aadan helin wax jawaab ah, ku laabo xafiiskii guryaha amaba u dir teleefan adigoo sheegaya magacaaga iyo dacwad dhegeysiga aad codsatay.Haddii aadan

luqadda ku fiicnayn codso turjumaan Soomaali ah, si wax walba oo lagaaga baahan yahay aad u fahanto. Inteysan dhammaan muddo soddon cisho ah haddaad jawaab weyso, ku laabo xaafiiska oo codso qofka ugu sarreeya xafiiska (Manager), tusna warqaddaada ku shabbadeysan taariikhda aad codsatay dhegeysisga dacwadda. Markaa waxaa

The Somali Link Providing relevant information to the Somali community! Telephone: (614) 805-8630

Email: SomalilinkNewspaper@gmail.com

liberately refusing them employment using a friendly-face and a political correct attitude as their platform. “Having your own business is the true equalizer and best solution to face racism head on” said Abdiaziz Arale, a ghost writer in the Somali community. This year marks 400 years since African descendants were enslaved in North America and what better way to pay homage than to open your own business. ■

hubaal ah in waqti cayiman lagu siinayo oo lagu dhegeysato dacwaddaada. Waxaad ku doodaa in adiga iyo qoyskaaguba khatar ku ahayn bed-qabka ama nabadda bulshada deggan xaafadda. Kiisaska jira haddii ay yihiin kuwo fudud, kala xiriir amagaalada ama gobolkaba, sidoo kale diyaarso haddii ciqaabtoodii dhammaatay ay borobooshinnadii waraaqahoodii iyo cidii lala xiriiri lahaa. Waxaa hubaal ah haddii aadan iska cararin markii laguu diido guryaha oo aad caddeyso inaad khatar ku ahayn bulshada lagu siin doono hoy aad ku noolaato waana wax aad xaq u leedahay. ■


4 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

International Faceboogu Wuxuu Warka Siiyaa 1-ka Mid Ah 3-dii Qof ee Maraykan ah By Shirwac Cabdi Boqolkiiba soddon dadka Maraykanka ahi waxay warkooda ka helaan Face-buuga waqtigan hadda lagu jiro, sida ay sheegtay daraasad cusub oo ay samaysay Xarunta Cilmi Baarista Pew (Pew Research Center). Ku dhawaad boqolkiiba 80 dadka daraasadda la weydiiyey waxay warka ka helaan Face-buuga. Waxayna wararka iyo masawirada saaxiibadood ama qaraabadooda ku kala waydaarsadaan face-buuga. Hase ahaatee dadka wararka sida culus ula socda, kuma aanay sheegin Face-buuga inay uu yahay il muhiim ah oo ay wararka laga helo, ayaa lagu yiri daraasadda. “Dadku waxay Facebuuga u furtaan inay helaan wakhti ay ku sheekaystaan, kuna kaftamaan. Taas ayaa keentay in ay si kama’a ah warka u kala helaan,” ayey tiri Amy Mitchell, Agaasimaha Cilmi

Baarista Pew. Baaristan oo la sii daayey Maalintii Khamiista ahayd ayaa ah tii ugu horaysay daraasado is-daba joog ah oo ay ururada Pew , John S. iyo James L. Kingt ay samaynayeen si ay u ogaadaan warbaahinta bulshada iyo isticmaalka wararka. Daraasaddu waxay

soo bandhigtay in qiyaastii labo meelood meel dadka Maraykanka qaan-gaarka ahi ay Facecbuuga isticmaalaan. Face-buuga oo ugu weyn saxaafadda bulshada ee adduunka waxay soo bandhigtaa warar qubane ah, halkaasoo dadka iyo daabacayaashuba ay warka ku wadaagaan.

Boqolkiiba 74 oo kaliya ayaa sheegay inuu Face-buugu uu yahay goobta ugu muhiimsan ee ay warkooda ka helaan. Dadka sida aad ka ah u isticmaala Facebuuga ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dhallinta da’da yar. Waxaa kale oo ay warbixintu intaas ku

El Salvador oo Madaxweyne U Dooratay Nin Asal Ahaan Ka soo Jeeda Falastiin

Madaxwaynaha Dalka El Salvador Nayib Bukele

Nayib Bukele, oo horay u soo noqday duqa caasimadda El Salvador (Waa Magaalo Madaxda dalkee)

ayaa ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaasi. Esl Salvador wuxuu soo afjaray nus qarni dalkaasi ay

dartey in dhallinta da’da yari facebuuga ama Twitter doorbidaan ay warkooda ka helaan halkii ay warkooda ka heli lahaayeen wargaysyada ama Teleefishinada. Daraasad sii horraysay, Pew waxay ogaatay in 34 boqolkiiba dadka jira 18 illaa 24 ay

heysteen 2 xisbi oo kale. Maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqday inuu doorashada ku guuleystay Bukele, wuxuuna helay 54% oo ah 90% codadka la tiriyey. Nayib Bukele, wuxuu doorashada ku soo galay la-dagaalanka musuq maasuqa isaga oo yiri “Lacagtayadu

warkooda ka qaataan saxaafadda bulshada marka la barbar-dhigo boqolkiiba 10 dadka waaweyn ee jira inta u dhaxaysa 50 illaa 64. Daraasaddan waxay sheegtay in dadka qaangaarka ah ee jira 18 illaa 29 ay yihiin seddex meelood meel dadka wararka ka qaata Facebook. Facebook, Twitter iyo LinkedIn waxay dhammaantood tijaabinayaan qaabab ay isugu geyn karaan, kuna wadaagi karaan wararka si ay dadka ugu hayaan fagaarayaashooda. Toddobaadkii hore, afhayeenka Facbuuga ayaa sheegay in dadka Facebuuga soo galayaa sare u kacay boqolkiiba 170 sannadkii la soo dhaafay. Daraasaddan waxaa la sammeeyey bishii Agoosto 21 ilaa September 2deedi waxaana laga qaaday dad Maraykan ah, qaangaadh ah oo gaaraya 5,173. ■

waa nagu filnaan kartaa haddii aan qofna xadin”. El Salvador waa dal yar oo ku yaalla bartamaha qaarada Latin America, dadkeeduna tiro ahaan waa 6.5 million, una badan dad faqri ah. ■

Franklin Continued from Pg1 Dhinaca kale Degmada Franklin waxaa deggan 1,310,000 oo qof tirikoobkii laga qaaday sannadkii hore ee 2018. Dadka deggan 67.2% waa Caddaan, 23.5% waa Madow, Isbaanishkuna waa 5.8%, Asiyaanku waa 5.7% inta kalena 1.8%. Dadka ku dhashay waddanka dibaddiisa oo ay Soomaalidu ka mid tahay oo deggan Degmada Franklin waa 10.1%. Degmada Franklin waxaa ku yaal ku dhowaad 475,000 oo dhisme oo kala ah guryo, goobo ganacsi, xafiisyo, goobo lagu cibaadeysto, jardiinooyin iyo xabaalo. Michael Stinziano waxaa doorashadiisii si weyn uga qayb qaatay Soomaalida ku nool Degmada Franklin. Markii uu xilka la wareegayna wuxuuna maamulkiisa ku daray Cabdiraxman Duaale oo ku magacdheer Geelle. Geelle inta la ogyahay haatan waa ninka Soomaaliga ah ee ugu jago sareeya dadka Soomaalida ah ee u shaqeeya Degmada Franklin. Degmada Franklin. Waxaa xusid mudan in ay uu Michael Stinziao yahay qofkii ugu horeeyey oo jago loo doorto Degmada Franklin, oo qof Soomaali ah ku biiriyey dadka isaga la taliya. Illaa iyo haatan sida la og yahay Duqa Magaaladu Andrew Ginther wali jago sare uma

magacaabin qof Soomaali ah. Stinziano waa qof jecel bulshada Soomaaliyeed , jecelna horumarkooda, aaminsanna haddii cududkooda iyo codkooda ay mideeyaan wax badan ka beddeli kara hooggaanka Ohio. Arrintaas isagoo ka hadlayana wuxuu yiri “Dadka Soomaalida ah ee deggan Degmada Franklin haddii ay codkooda mideeyaan waxay dooran karaan Duqa Magaalada Columbus iyo jago kasta oo doorasho loo soo galo gobolkan Ohio” . Howlaha uu buslshada u qabto Hanti dhowrka Degmada Franklin waxaa ka mid ah qaadidda canshuuraha guryaha iyo dhismayaasha kale, kala wareejinta lahaanshaha guryaha, Shatiyada ganacsiga nooc walba,,hubinta cabbirka miisaanka goobaha ganacsiga sida Xarumaha shidaalka,,dukaamada raashinka Kroger, Giant Eagle. Waxay hubiyaan in ay haystaan shatiyadii looga baahnaa dhammaan goobaha ganacsiga Franklin.ugu dambeyn waa Hanti dhowrka masuulka ka ah hayana dakhliga iyo kharashaadka dhan ee Franklin County Ohio.■

Cabdiraxman Duale iyo Hanti-dhowrka Degmada Franklin Michael Stinziano.


SomaliLinkNewspaper@gmail.com ■ October 2019 ■ The Somali Link ■ 5

Community News

Nin Reer Ohio Ah Ayaa Loo Diidey Lee sinkii Ohio Mahdi Taakilo Somali Link

Carwo Fashion waa hoyga dharka dumarka, gaar ahaan shukooyinka iyo cabbaayadaha noocii ugu dambeeyey. ■

Ma u baahan tahay guri qurxoon oo aad dhigato ama ku Aroosto? Ka quruxso gurigaaga cusub Carwo Fashion oo ku dhextaal Golobal Mall. ■

Ka dukaameyso Aaran Mall, cunto nooc walba leh, Dukaamo dhareed iyo Gogol Wacan. Waxaad Kaloo ka dirsan kartaa lacagaha meel walba oo adduunka ah. ■

Ma doonaysaa gaari aad ku socotid oo meeshaad rabto si raaxo leh ugu tagtid? Gaar oo ha ka maqnaan J & F oo ku yaal wadada 3337 Westerville, Columbus, Ohio 614-218-4247 ama 614-5961007. ■

Nin la waayey, lana raadinayey muddo ka badan 20 sano ah, loona haystey in uu geeriyooday ka dib markay maxkamadu xukuntay in uu dhintay ayaa ku soo noqday Gobolka Ohio, dalbadayna leesinkii iyo xaquuqduu ku lahaa gobolka Ohio oo uu mudaduu maqnaa. Arrintan ayaa aad uga yaabisay dadweynaha ku nool gobolkan Ohio iyo inta kale ee maqashey. Ninkan oo lagu magacaabo Donald Miller ayaa laga waayay magaalo ka tirsan Ohio muddo ka badan 20 sano (1986), ka dib markii shaqadii laga ceyriyay, laguna eedeeyey in uu noqday daroogiiste. Wuxuu sidaas ku waayeen xaaskiisii iyo ilmihiisii. Mar la waraystey waxaa kale oo uu sheegay in sababaha ugu wayn oo uu u dhuuntay ay ahayd in uu ka baqay in xabsi loo

taxaabo ka dib markuu bixin waayey lacagta ilmihiisa lagu daryeelayo ee halkan looga yaqaan child support. Sideed sano ka dib markii meel lagu sheego la waayey ayaa Maxkamadu ku dhawaaqday in Miller dhintay, waxaana dib loo helay sannadkii 2005, waxaa bishaan loo diiday in uu qaato laysinka lagu wado gawaarida (License) ka dib markii laga waayey magaciisa computarada lagu keydiyo magacyada. Miller oo haatan 61 jir ah ayaa u dacwooday dowladda, una sheegay in uu dadka nool ee reer Ohio ka mid ahayn, sababtaana loogu diiday aqoonsiga lagu wado gaariga (license) ee gobolka Ohio iyo xaquuqda kale ee uu sheeganayo. Miller wuxuu ku dacwooday in dadka nool lagu daro, nasiib daro waa laga diiday mar labaad. ■

Soomaalida oo Taageero U Muujiyey Morgan Harper Waa Ammaal Express: Ka Dirso Lacagtaada. ■

Global Mall: Makhaayaddan waxaad ka heli kartaa cunto, shah iyo qaxwo si wanaagsan loo kariyey. Waxay caan ku noqotay nadaafad iyo soo dhaweynayn wacan. Kula ballan saaxiibadaa iyo eheladaadaba, kulana qaxwee makhaayaddan international. ■

Gaar oo ha moogaan Safari Barber oo uu diyaar kuugu yahay Cumar Shariif. Cumar Shariif wuxuu timaha kuugu jarayaa sidaad doonto, wuxuu leeyahay 3 sano oo kibrad timajaranimo ah. Waxaad kala xiriiri kartaa taleefoonka- 614-377-3131. ■

Visit us online at SomaliLink.com 614.805.8630

Ma doonaysaa dhar dumar xirto meesha ugu wanaagsan ee aad magaaladan ka heli kartid? Waa Bahja Store oo ku dhextaal Universal Mall. Tilmaan uma baahnid oo wajiga ayuu kaa qabanayaa markaad Mall-ka geshid. ■

Qore: Mahdi Taakilo Somali Link

Morgan Harper iyo Qaar Ka Mid ah Dadka Doorashada Kala Shaqeeya. Ka buuxso canshuurta sannadka Global Income Tax. Waxaa kugu soo dhaweynaya halkaas Juqraafi oo khibrad u leh canshuuraha. ■

Morgan Harper waa soddon iyo dhowr jir ku dhalatey magaalada Columbus, wax ku baratey magaaladan, doorashana ugu jirta kursiga saddexaad ee golaha wakiilada Maraykanka ee loo yaqaan Congress. Kursigaas waxaa lixdii sano ee la soo dhaafey hayey wakiilada lagu magacaabo Joyce Beatty. Morgan waxay la tartamaysaa Joyce Beatty, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tiri “Waxaan doonayaa in aan jagadan ku guulaysto si aan dadka Soomaalida ah ee deggan degaankan u matalo” Mar aan waydiiney waxay kaga duwan tahay Joyce Beatty oo hadda kursiga ku fadhida waxay tiri “Joyce illaa iyo hadda wax xiriir ah oo la taaban karo lama leh dadka Soomaalida ah, sida aan ka maqley Soomaali badan, waxaanan doonayaa in aan arrintaas badelo oo aan xiriir wanaagsan oo shaqo iyo walaaltinimo ah la yeesho Soomaalida”. Axmed Axmed oo ah dadka sida aad ka ah siyaasadda magaalada Co-

lumbus ugu dhuun daloola ayaa yiri “Aniga waxay ila tahay in Soomaalidu xooggooda lacageed iyo tooda codba inta mideeyaan ay doortaan Morgan Harper” Wuxuuna intaas ku sii daray in aan u baahanay in aan qof doorano si gobolka Ohio u ogaado awooda codeed ee Soomaalida ku nool gobolkan”. Cabdi Cirdaye oo ku nool magaaladan DC si aad ahna siyaasada u daneeya ayaa yiri “Waxaa la sheegay in Ohio Soomaalida coddeyn kartaa ay gaarayaan kumaankun, ayna dooran karaan ciddii ay iyagu rabaan in ay matasho, ha ahaato magaaladan Columbus ama aqalka wakiilada”. Nin reer Columbus ah oo ka gaabsadey in uu halkan magaciisa ku sheego ayaa sheegay in Joyce Beatty mudadii lixda sano ahayd ee ay matalaysey Soomaalida u qaban wax la taaban karo. Wuxuuna yiri “Waan maqlaa shirar xaafiiskeedu soo qaban qaabiyo oo ka dhaca dukaamada Soomaalida oo aan waxba ka soo bixin”. ■


6 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

Local & Cultural

Qareen Howl-kar Ah! Continued from Pg 1 Anagoo ku hanweyn waxaan idinla socodsiineynaa in qareenkeenna howl-karka ah ee u dooda xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus iyo agagaarkeeda Ms. Inna Simakovsky uu ku sharfey joornaalka Columbus Dispatch Abaal marin loogu magac darey “Geesiyadda Maalin Walba” (Everyday Hero).

Inna waxay u adeegeysey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Columbus tan iyo 2004 tii. Jaalliyadda Soomaliyeed waxay ka caawisey illaa haddana aysan ka daalin sidii ay u qaadan lahaayeen dhalashada Mareykanka (U.S Citizenship), Mideynta ama isu keenidda qoysaska kala maqnaa muddo dheer (Family reunification) iyo ka caaw-

inta kiisaska dacwada iyo u dagaalanka kuwa la doonayo in waddanka laga masaafuriyo (deportation). Inna waa qareen ku xeel dheer sharciyada qaxootiga, waxayna shaqaynaysey illaa iyo sannadkii 1998 dii , waxaan ku han weynahay oo aan oran karnaa in ay tahay saaxiib iyo walaal gaar ah ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio. Inna waxay ka furatey xaafiis Moolka Banaadir bartamihii sannadkii 2007dii taasoo u suuro gelisay

in si aad u xeel dheer u fahamto dhibaatooyinka sharciyeed iyo kuwa qaxootinimo ee haysta bulshadeenna. Inna waxay caawisay boqollaal Soomaliyeed oo ka quustey in ay dib u helaan xuquuqdooda ka maqneyd, ha ahaato mid sharci dambiyeed, qaxootinimo ama dib isugu keenidda qoysaskii muddo dheer kala maqnaa oo isu bohol-yoobay. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo dhinaca fal dambiyeedyo, ama qaxootinimo iyo dhamman wixii la xiriira

sharciyada haddii ay tahay talo bixin amase matalaad ay kugu matasho xagga sharciga waxaad kala soo xiriirtaa oo ka wici kartaa teleefanka Inna 614 695 4605 ama ku booqo xafiiskeeda oo ku yaal cinwaankan 460 E Main Street Columbus, Ohio 43215. Waxaan mar kale leenahay HAMBALYO, HAMBALYO ee howlaha wanaagsan ee aad u hayso bulshadeenna halkaa ka sii wad. ■

ADVERTISING GETS RESULTS! CALL US TODAY AT 614.805.8630

Serving Columbus, Ohio and surrounding areas!

The Somali Link


SomaliLinkNewspaper@gmail.com ■ October 2019 ■ The Somali Link ■ 7

Dear Somali Readers: We are very proud to announce that our very own Somali community lawyer has been honored by the Columbus Dispatch as an Every Day Hero. She has been a hero to our community since 2004 when she started helping the Somali community in Columbus, Ohio. Inna Simakovsky has been serving the Somali community since 2004. She has helped thousands of Somali clients attain U.S. citizenship, reunite with family members, and help people fight their deportation cases. Inna has been an immigration lawyer since 1998 and we are proud to call her a sister and friend of the Somali community. Inna opened in office at the Banadir Somali Mall in 2007 and has vast experience in dealing with immigration issues facing the

From left: Ahmed Shukri, Abdirizak Farah, Abdiqani Diini, Abdikhayr Soofe and Inna Simakovsky. Somali community. Inna can be reached at 614.695.4605 and can be found at 460 East Main Street, Columbus, Ohio.

43215. We congratulate Inna on her award. Inna Simakovsky, Esq. Simakovsky Law. 460 E Main St

Columbus, Ohio 43215. (614) 695-4605 Inna@simakovskylaw.com ■

Maryan Duale and Inna Simakovsky

Qiima Dhimis Iyo Dhaafid Korontada Iyo Biyaha Waxaa magaalada Columbus qaybta addeega bulshada idiin diyaarisay in lagaa caawiyo nalka iyo biyaha dadka dakhligoodu hooseeyo. Si loogu adeego bulshada danyarta waa inay la soo xiriiraan qaybta adeegga bulshada (public utility). Haddii aad tahay dan-yar aan haysan lacag aad isaga bixiso nalka iyo korontada amabase dhaqaalahaagu liito, fadlan ka faa’iideyso barnaamijkan lagugu caawin karo. Tag amaba arji u dirso.

3-Dadka dakhligooda hooseeyo ee laga kaalmeeyo korontada.(HEAP) 4-Shaqada koowaad Ohio (ohio works first). 5-Howlgabnimada Social security. 6Deggan guryaha qiima dhaafka ee dowladda kabto. 8. Sidoo kale haddaad haysato borogoraamada la mid ah ee dadka lagu caawiyo.

Waxaa xaq u yeelan kara qiimo dhimistan biyaha iyo korontada haddii milkiilaha xaafaddaas ay deggan yihiin 80% dadka dakhligooda hooseyo (low income). Shuruudaha laga rabo dadkaa qiime dhimista loo samaynayo waa iney: 

In heerka dakhligoodu 150% amaba ka yar heerka faqiirnimada dowladda dhexe ku cayintey, ama arrimaha hoos ku qoran qaataan. 1Kaarka-Cuntada cayrta (food stamp). 2-Kaarka gargaarka caafimaadka ee ohio(Ohio Medicaid).

Dadka deggan ama qofka ku nool guryahan wuxuu helayaa 20% oo qiimo dhimis ah, biyaha iyo bullaacadaha iyo korontada.. Qiima dhimista kuma jirto akhrinta meterka ( cabbir sheegaha) iyo la daahinta bixinta biilasha.Macaamiisha habkaan qiimo dhimista waa in ay buuxshaan

codsi araaji ah sannad walba inta uu ka dhicin sannadkii hore codsigii ay gudbiyeen. Codsiga arjiga wuxuu u qoran yahay sidan: Qofka deggan ama mulkiilaha magaciisa ----------------------Addreska meesha uu deggan yahay lamabrka magaca waddada magaalada stateka zipcode------------Lambarka teleefoonka ( )------------------------Akawnti lambarka biilka biyaha-korontada-------------Kuna hagaaji Continued on Pg12

Somali Link Readers Choice:

Restaurant of the Month: Rahmo Restaurant. The readers of the Somali Link was pleased to have chosen Banadir Restaurant on Cleveland Avenue as the number one Somali and African restaurant in Columbus Ohio. The review below was written by Paula M. Cohen, freelance writer for the Somali Link. This article and many others can be read on our website: Somali & East African Food.

By PAULA M. COHEN THE SOMALI LINK As you’ve probably guessed by my name, I am not an expert in Somali cuisine. But as a former award-winning restaurant owner and reviewer, I do know something about food preparation, service, and décor. My delightful dining partner is Zahra

Mire, who has agreed to accompany me to provide valuable input on traditional cuisine, and together we will visit the Somali restaurants of Columbus. Although the list continues to grow, we wanted begin our journey at the city’s best known restaurant— Banadir Restaurant. Established in 1999 to serve Columbus’ growing

African population, the restaurant offers a large selection of traditional dishes and reflects the influence of Middle Eastern and American cooking, too. From the outside, you would never guess what lies beneath a nondescript exterior in a strip mall storefront just east of the old Banadir Mall. Recently remodeled and under new

management, the restaurant is colorful, comfortable, and charming. On this visit, Zahra’s teenage daughters, Hawa and Habiba joined us. They are big fans of the restaurant. Hawa had a very astute comment about Banadir Restaurant. She said that one of the things she liked about the restaurant was that on every visit, the

food consistently tasted the same. This is no surprise— the head chef has been there for almost for years! A chef that has been at the same place for over many years is almost unheard of in the restaurant business. We started with Banadir soup—a hearty potato and vegetable soup spiced with fresh cilantro that really warmed us on a cold day. For the main course we tried the grilled fish, grilled chicken strips, and roasted lamb. All arrived hot with lettuce and tomato on the side. The fish was flakey, moist, and lightly seasoned. The roasted lamb was a real treat; the chunks of tender meat, some pieces still on the bone (bones add depth to fla-

vor), were excellent and my favorite dish of our lunch. Zahra’s favorite of the day was the grilled chicken strips. Strips of white meat, piled high on the plate, had a lovely rosy color on the outside from the delicate spices. Lunch comes with a choice of sides—spaghetti tossed with a light tomato sauce or a fantastically fragrant curried rice, made even more colorful with the addition of peas. The curried rice could be a meal by itself. I had the hot, black, sweetened, spiced tea to wash my lunch down. Delicious! According to the new manager, Mohamed, there are See RAHMO on Pg. 9


8 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

Entertainment

Waraysigii K’naan by Said Hade

K

naan waa fanaankii labadaan bari laga dabadhacay lana xiiseeyo heesahiisa caalamka oo dhan. Knaan wuxuu soo jiitay malyamaad qof oo taageera ah. Knaan waa fanaankii ugu horeeeyay oo Somali ah oo ku heesa luuqada af ingiriiska, heesaha uu qaadana waa heesaha loo yaqaan Rap, waxaana dhihi karnaa waa fanaanka kaliya ee Somaliyeed ee maanta ku jira Hollywood ka. Hadaba nasiib waxaan u yeelanay in aan waraysi la yeelano Knaan Cabdi Warsame.Somalilink_ Asalaamu Calaykum Knaan.. Knaan_ Wacalaykum wasalaam.. Somalilink_ Goorma ayaad fanka

bilowday knaan? Knaan_ waxaan bilaabay 1998. Somalilink_ meeqo sano ayaad jirtay markaas? Knaan_ waxaan jiray 20 sano. Somalilink_ Somaliya goormaa kuugu dambaysay? Knaan_ Dhamaadkii 1991 Somalilink_ maxaa kugu kalifay in aad heestid ama raper aad noqotid? Knaan_ waa waxaan yaraantaydii aan jeclaa. Somalilink_ yaa kuugu caawiyay in aad albumkaagii koowaad soo saartid yaana qoray heesaha? Knaan_ anigaa qoray waxaana soo saaray oo maalgaliyay Sony Records. Somalilink_ heesahaaga maxay uga duwan yihiin kuwa ay qaadaan fanaaniinta kale? Knaan_ heesahaygu waa heeso fartiin

xambaarsan, baraarujina leh oo aan badankood ugu tala galay in aan uga hadlo dhibaatada haysata wadankayga, laakiin fanaaniinta kale heesahooda waa heeso caadi ah. Somalilink_ heesaha Rapka waa la iscaayaa ama waxaa lagu heesaa wax xun marka Malaga yaabaa in aad badashid heesagaa fartiinta xambaarsan mise? Knaan_ ahh! maya maya, anigu ma isbadalin mana ka tagin dhaqankayga qaaliga ah, mana laga yaabo in aan ku heeso waxaas oo kale. Somalilink_ wax ma nooga sheegi kartaa albumkaa cusub oo soo bixi doono heesaha ku jiro? Knaan_ waa 14 hees, waxaa ku jira hees la yiraahdo Somaliya oo aan ugu talo galay in aan kaga

hadlo dhibaatada iyo xaaladaha ka jira maanta dalkeena iyo hees la yiraahdo America oo ka hadlaysa Somalida u soo qaxday maraykanka. Somalilink_ 2 bil ka hor ayaad BET awards show ka heestay, sida aad af ingiriis ugu heesaysay ayaad af-somali u badashay isla markiiba ayada oo aan jirin qof ku fahmayo markaas, marka maxaad ku keentay? Knaan_ ahhh! Ahh! run ahaantii waxaan jeclahay in aan suubiyo waxaan horay loo suubin, waxaana igu kalifay dadkii show-ga joogay iyo anigu kala dhaqan iyo luuqad ayaan ahayn, marka waxaan jeclaaday in aan soo bandhigo luuqadayda hooyo. Somalilink_ wali fanaan Somali ah mala shaqaysay

mise mala heestay? Knaan_ maya wali lama heesin, laakiin fanaan Kooshin ayaa iga caawiyay albumkaygii koowaad ee the dust foot. Somalilink_ waxaa jira fanaaniin badan oo soo baxaya kuna soo biiraya heesaha Rap ka maxaad ku dhihi lahayd ama ku waanin lahayd? Knaan_ waa inay la soo galaan fanka waxay uga duwan yihiin dadka kale, sida dhaqankooda wanaagsan iyo in ay caqli isticmaalaan. Somalilink_ waa kuma fanaanka Somaliga aad xiiseesid heesahiisa? Knaan_ een waxaan xiiseeeyaa Zulfa in kasta uu fanka iska daayay. Somalilink_ sidee baad u aragtaa xaalada xun uu wadanka iyo ummada So-

Somali Link Interviews K’Naan

maliyeed ku jiraan maanta? Knaan_ waa xaalad xun, oo aan kadan qankaro markaan maqlo dhibaatada nahaysato. Somalilink_ sidee baad isdhihi kartaa waa looga bixi karaa masiibadaan? Knaan_ waan in aan ulaabano diinteenii iyo dhaqankeenii. Somalilink_ waxaad show ku leedahay Cincinnati iyo Cleveland Malaga yaabaa in aad Columbus show ku qabatid waayo Somali badan ayaa kunool? Knaan_ waalaga yaabaa laakiin hada kuma qabanayo, laakiin waxaan leeyahay Jaaliyada Somaliyeed ee kunool magaalada Columbus Ciid Wanaadsan. ■

K’Naan

The Voice of a Generation by Rishan G Habte Rishan@somalilink.com

“M

y music is born out of the necessity of justice, the requirement of it”, said K’nan an international Somali recording artist. K’nan and his family migrated to Toronto Canada in 1991 following the collapse of the Somali Government. While living in Canada, K’nan began writing poetry about the life he left behind. “I was inspired by my own experiences, melody, traditional poetry, war, living as a foreigner and longing for my home”, he said.

In 1999 K’nan was invited to speak before the United Nations High Commissioner for Refugees where he performed a spoken word piece criticizing the UN for their failed aid mission to Somalia. One of the members in the audience was Senegalese singer Youssou N’Dour, who was so moved by K’nan’s performance that he invited him to contribute to his 2001 album Building Bridges. Working on this project allowed K’nan to tour the world to spread his message. “I felt that it was

my duty to tell my people’s story”, he said. In 2005 he released his debut album, titled The Dusty Foot Philosopher, which received critical acclaim. In 2006 K’nan received the coveted Juno Award for Rap Recording of the year. His style has been compared to that of Bob Marley and Eminem. Since his debut, K’nan has worked with Mos Def, Nelly Furtado, Damien Marley and Adam Levine of Maroon 5. “Most of the world only knows about Black Hawk

“If American women would increase their voting turnout by ten percent, I think we would see an end to all of the budget cuts in programs benefiting women and children.” CORETTA SCOTT KING

Down and piracy when it comes to Somalia, my duty is to show the whole picture” he said. “I want to take our story to the public and show the positive”, he added. In 2 years, K’nan has played nearly 500

shows in 5 continents. “The response has been amazing”, he added. K’nan is set to release his follow-up album titled Troubadour in January 2009. His future plans also include film project and

working on production. “I will continue to be honest and I won’t stop until everyone has heard our story” he said. ■

“Young people need to vote. They need to get out there. Every vote counts. Educate yourself too. Don't just vote. Know what you're voting for, and stand by that.” NIKKI REED


SomaliLinkNewspaper@gmail.com ■ October 2019 ■ The Somali Link ■ 9

FAMILY & EDUCATION Positive Attitude at School and Home is Regardful

T

he success of a good student is the pride of every parent and teachers. We wish that every student should take as an example as this young student’s positive attitude that rewarded her special thanking from her teachers and uncle. Dear Sowda I want to tell you that I am proud of you. You are the one of the sweetest nieces that I have ever known. I love it when you look at me with your dark brown eyes. I love when you sit and listen to

Sowda Abdi Shire your grandmother Hawo Galnole and your mom Istahil Taakilo and dad Abdi Shire. I love the way you entertain your grandmother. I love the way you

translate her everything she needs when she could not understand English. I love when you run to your dad and mom as if you will never see them again. I love when you write your school stories with your best effort. I love when you pick up the trash and clean the kitchen and stack up the chairs. I just want to say that “You are wonderful!” Please stay this way forever. Love from your Uncle Mahdi Taakilo ♥

Ka gado taleefanada casriga ah, kana bixi biilka taleefoonkaaga Sunny Wireless oo ku dhagan Somali community Assocation of Ohio. Waxaa halkaas kugu soo dhaweynaya Cabdicasiis Yare. Cabdicasiis wuxuu kaloo sameeyaa taleefoonada

Ku safar si dhib yar. Seexo oo ku soo toos adigoo jooga Magaaladaad u socotey shiddo yari iyo daal la’aan. ■

Dukaanka Global Market waxaad ka heli doontaa cunto iyo cabitaan nooc walba leh. ■

Rahmo Restaurant Continued from Pg. 7

some new dishes on the menu: ugali, mufo Banadir with beef, and chicken kabobs.The service was pleasant and efficient. Prices are very reasonable, especially considering the generous portion sizes. Lunch with three main courses and

drinks for four came to $36.00. This is a place to recommend to family, friends, and acquaintances. If you have not been to Banadir restuarant in a while, re-visit, you won’t be disappointed! •

Ka gooso tigidhadaada dalka iyo dibadaba Jubba Travel Agency. Waxaad kaloo halkaas ka heli kartaa Tax return refunds, writing professional grant proposals, Truck dispatching. Tel: 614-591-3777

3246 Cleveland Ave, Columbus, OH 43224 Tel: (614) 268-0933 Open 7days: 9:30 a.m-11:00 p.m.

Ka adeego Jubba Value Center goor walba, kana jaro tigidhada diyaaradaha oo raqiis ah.


10 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

Letter to the Editor

EDITORIAL

What I learned From My Somali Students Mahdi Taakilo

By Paula. M. Cohen Somali Link

October of 2003 to August of 2004, were the ten months that forever changed me. An unusual opportunity presented itself, and I accepted a position in the Business & Asset Division of Jewish Family Services (now ECDI) to teach small business basic training to refugees and immigrants in their microenterprise program. As a university business and communication instructor, I am always looking for opportunities to help supplement my income. My duties would include facilitating classes covering all aspects of business start-up, overseeing the writing of business plans, and providing business consultation. I had just one week to prepare. Knowing that the majority of students would be Somalis, the first step was locating Somalia on a map. Next, I spent every free moment researching the culture, so that I would not offend anyone or embarrass myself. The first day, I greeted my new students and instantly felt connected to them. Each morning I had several pots of coffee, tea, and lots of sugar available (I quickly learned how sweet they liked their hot drinks). The best cooks in the class brought plates of treats each day, usually xalwad, fragrant with cardamom. In December, we prepared to take a couple of

PUBLISHER

Email: somalilinknewspaper@gmail.com

Somali Students in ELS Class

weeks off for winter break. The students ask what my plans were, and I told them I planned to fly to New York to visit a friend. When we came back in January they asked about my vacation, and I was forced to confess that I had become so fearful of plane crashes and attacks, that I cancelled the visit. I was surprised at their reaction-almost everyone had their arms crossed over their chests and were shaking their heads. “What’s wrong?” I asked. Their answer changed my life. “Paula, you don’t understand… You cannot cheat death. If it is your time—it is your time. These things are out of your control.” For the next half hour we openly discussed this idea. After giving this much thought, I came to the conclusion that living in fear of things I cannot control is a poor way to go through life. They were right—I needed to have faith that things were exactly as they

should be at each moment. Over time, through their example, I began to enjoy living in the moment, looking to the future and not the past, and finding humor in little things. Today I laugh much more than I used to. Today I am a happier person. In that ten month period there were six classes and two graduation ceremonies. Students brought their families and friends who watched as course completion certificates were proudly accepted; afterwards, we celebrated with a feast. Each family brought a dish to share, and sambuusa became one of my favorite foods. Those joyous celebrations were a beautiful way to end our journey together. I want my students to know that I learned much more from them than they did from me. You were my greatest teachers; you forever changed me. Thank you. ■

It takes all of us working together to address the addiction crisis in our community. The faith community plays an important role in helping our families, friends and neighbors who are addicted and to prevent people from becoming addicted in the first place. This event brings together members from all faith communities to talk about how we can address the addiction crisis together. The diverse panel includes:  Sister Anita Muhammad – Director of Unicorns and Butterflies  Bishop Ware – Oakley Baptist Church  Minister Marquita Byars – Gospel Lighthouse Church  Dr. Kyle Brooks – Methodist Theological School of Ohio and Visiting Assistant Professor of Homiletics and Black Church and African Diaspora Studies  Moderator Dr. Mysheika Roberts – Columbus Public Health Commissioner “For many people diagnosed and struggling with the disease of addiction, seeking help often starts after having an epiphany or life changing experience. Religion has the potential to assist in the recovery process but can also be overwhelming to individuals unfamiliar or uncomfortable with its constructs. The Faith and Community: Reconciling with the Disease of Addiction, panel discussion is open to the entire community and is scheduled for September 26th from 6-8:00pm, in the Columbus Public Health Auditorium. This panel discussion includes local clergy from different denominations discussing their specific theology and personal experience that informs their understanding of the disease of addiction. We want to talk about your experience either with the disease of addiction or supporting a person who is struggling: how has faith helped in the process and how has it impeded sobriety? This is not an opportunity to proselytize or to convert, but rather a moment to reflect and consider how we can help people seeking recovery and support.” Please let me know if you have any questions or you can call Andrea Boxill, CPH ADS Division Director at: 614-645-0803. Community members also will be able to ask questions of the panelists at the end of the presentations. Additionally, there will be educational information and representatives from:  Arizona Counseling  Brightview Health  Columbus Public Health Alcohol and Drug Services  Columbus Public Health Office of Minority Health  Columbus CARE Coalition  NAMI of Franklin County  Sun Behavioral Health. This event is free and open to the public. Please RSVP at health@columbus.gov. Seating is limited to the first 200 people who RSVP.

Kenya: Qorshaheeda Waa Quus i yo ku Qabso Ku Qadimeyside!! Qore: Mahdi Taakilo Somalilinknewspaper@gmail.com Waxaa xusuus madan go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa dhaca iyo bililiqaysiga Kenya baddeenna ee uu hor geeyey dacwada Maxkamadda Calamaiga ah ee Hague. Waxaa lagu tilmaamaa taladii ugu muhiimsanayd oo lagu xusuusan doono madaxweyne Xasan Sheekh in ay ahayd difaaca qaddiyadda badweynteenna Hindiya oo uu damaca ka galay dowladda Kenya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaa la sheegay in madaxweynihii ka horreeyey Xasan Sheek oo

ahaa Sheikh shariif Xasan qaar ka mid ah golahiisii wasiiradu ay saxiixeen isafgaradka labada dal oo loo yaqaan afka qalaad (Memorandum of Understanding) M.O.A. Iyagoo war moogayaal ah. Dowladda maanta jirta ee uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Farmaajo waxay dhammeystirtay dhamman agabkii iyo caddeymihii looga baahnaa in Kenya ay ku soo xad-gudubtay sheegashada xudduudda baddeenna, Waxay howlgalisey qareenno waayo arag ah, kuwaasoo ku xeeldheer sharciga, xuduudaha badaha waddammada deriska ah iyo midda caalamiga ah. Kenya waxay is-lahayd

waxaa kugu filan warqadda ay saxiixeen dowlad mataleysa qaranka Soomaaliyeed , dowlad xoog iyo siyaasad hufan ma’aha oo ayagiibaa kala qaybsan, mana laga filayo Soomaaliya in ay is difaaci karto hadday noqoto baddeeda iyo hawadeedaba, balse waxaa timid dowlad aad uga firfircoon dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ogna waxay ay nidaamka dibolomaasiyadda ku heli karto ay ka weyn tahay cudud millatari oo aan ognahay maanta in aan liidano. Waxaa wargayska Somali Link ku ammaanayaa sida wadaniyaddu ku jirto ee ay dowladda Soomaaliyeed ugu istaagtey difaaca baddeena Hindia. ■

Badweynta Hindia ee Soomaaliya ku Wareegsan.

Banadir Mall: Ka dirso dibbad iyo gudahaba lacagtaada Kaah Express. Lacagtaadu waa ku aamin Kaah Express. Waxaa halkaas kuugu diyaar ah Musab Mataan oo aad kala xiriiri kartid taleefoonkan

614-432-4794


SomaliLinkNewspaper@gmail.com ■ October 2019 ■ The Somali Link ■ 11

High quality preschool & early care Wellness screenings for basic health, dental, vision, hearing and speech/language Degreed teachers in every classroom Nutritious daily meals Small classroom sizes

Services for children with special needs and/or disabilities Social service referrals for needed resources Adult programs include job readiness, GED preparation, resume writing, computer training, English as a Second or Other Language (ESOL), home buying assistance, loan modification and credit repair


12 ■ The Somali Link ■ October 2019 ■ SomaliLinkNewspaper@gmail.com

REPORTERS Abdirahman Yousuf (Eelay) Dough Rutledge Wilson Dizard Mike Lorz PHOTOGRAPHERS Terra Teschler Matt Lorz

LAYOUT Derek Payne, DPI Graphic Design ADVERTISING Mike Lorz Published By

The Somali Link 4889 Sinclair Rd. Suite 207 Columbus, Ohio 43229 Telephone: (614) 805-8630

Email us at: Somalilinknewspaper@gmail.com

Qiima Dhimis Iyo Dhaafid Korontada Iyo Biyaha Continued from Pg7 cinwaankan hoos ku qoran. Columbus department of public utilities. Coustomer Service . 111 North Front street Columbus Oh 43215. Codsiga amaba arjiga iyo waxaad ku lifaaqdo oo aad dirto laguuma soo celinayo haddaba waxaad direyso koobigooda la har oo hayso waraaqha asalka ah ama original ka ah. Saxiixa degganaha ama

milkiilaha guriga---------Taariikhda codsiga---------------Fiiro Gaar ah: Haddi aad dooneyso in lagaa caawiyo korontada iyo biyaha fadlan buuxi arjiga kor . Ku qoran oo cusbooneysii sannad walaba maalintaad buuxisay maalinteeda kele amase ka hor. Sii aaney u kale go’in caawimaadda biyaha iyo korontada. ■

The Somali Link …. News for the Community!

Waa Nimco Fashion oo ku caan baxday dharka dumarka kuwi i ugu dambeeyey, waxay ku taal Universal Mall


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.